Hot Topics

Jubaland oo ku jirta diyaar garowgii ugu danbeeyay hawlgalka sifaynta Alshabaab

Jubaland waxay ku jirtaa diyaar garow xoog badan oo ay ugu diyaargaroobayso hawlgal ka dhan ah Alshabaab.


Ciidamada kala duwan ee jubaland,ayaa ku jira tabaabushaysigii ugu danbeeyay ee ay ku bilaabayaan hawlgal ka dhan ah Maleeshiyaadka Alshabaab.


Shalay waxaa ka anba baxay kismaayo Ciidamo aad u hubaysan oo wata 8-gawaarida dagaalka ah,kuwaasoo gaaray Degmada Afmadow oo u jirta kismaayo 150-Km.


Sidoo kale waxaa dhanka Cabdalla Biroole u anba baxay cutubyo kale oo xoojin unoqon doona Ciidamada Daraawiishta ee farisinkoodu halkaas yahay.


Madaxweyne Axmed Madoobe,ayaa sidoo kale dhawrkii beri ee udanbeeyay ku mashquulsanaa abaabulka,waxuuna kormeer ku marayay farisimada Ciidamada kala duwna ee Jubaland.


isku soo wada duuboo Jubaland waxay wajahaysaa dagaal xoog badan oo ay la gasho Maleesiyada Alshabaab ee gacanta ku haysa caasimada rasmiga ah Jubaland ee Bua’aale.