Waftigii Dowlada Fadaraalka oo hungo kula soo laabtay Cadaado

Waftiga Dowlada Fadaraalka,ayaa gaaray deegaanka Gelinsoor si ay qayb uga noqdaan dadaalka nabadeed ee lagu dajinayo colaada Kaxadhaale.
Balse waftigii Dowlada dhexe ka socday,ayaa loo diiday in ay gaaraan Kaxadhaale waxayna dib ugu laabteen magaalada Cadaado oo ay maalin ka hor tageen,


Sidoo kale waxaa Dowlada Fadaraalka waftigii ka socday loo diiday in lagu wareejiyo Laba Askari oo la sheegay in ay itoobiyaan ahaayeen qaybna ay ka galeen dagaalka,


Labadaa Askari,ayaa lagu wareejiyay waxgarad ka socday Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, waxaana maxaabiistaas wareejiyay waxgarad ka socday degmada Gelinsoor iyo xubno ka tirsan Galmudug.


Odayaasha Deegaanka labada dhinac ee ka soo jeeda ayaa waday dadaalo is-daba joog ah, waxaana la filayaa in munaasabada lagu heshiisinayo labada beelood ay maanta ka dhacdo deegaanka Kaxandhaale.


Waftiga Dowlada Fadaraalka oo ku fashilmay in uu qayb ka noqdo daminta Colaada Gaxandhaale,ayaa dib ugu laabanaya Muqdisho madaama ay kusoo hungoobeen hawshii loo igmaday.