Hot Topics

Video:-Muxuu caqabad ah oo uu dhalin kara go’aanka Dowlada Somaliya ?

Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa sheegtay in wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom aanu ka shaqeyn karin Soomaaliya.

Dowladda ayaa ku eedeysay inuu jabiyay hab maamuuskii ku habboonaa xafiiska QM ee Soomaaliya isla markaana uu farageliyay arrimaha madaxbanaanida Soomaaliya.

Nicholas Hayom ayaa shalay soo saaray warqad haddalo kulul ay ku qoran yihiin oo u qoray Wasiirka Amniga ee dawladda, taasi oo uu kaga hadlay saamaynta ka iman karta wararka sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo ay taageerto Qaramada Midoobay ay ku lug lahaayeen qabashada Mukhtaar Roobow 13-kii bishan Diisambar, iyo dhimashada 15 rayid ah oo ku dhintay rabshadihii ka dhacay Baydhaba.

Haysom waxa uu ka dalabaday wasiirka Amniga Soomaaliya Maxmamed Abuukar Islow inuu sharraxaad ka bixiyo sharciga loo cuskadaay qabashada Roobow; ciidanka Soomaaliyeed ee hawsha fuliyey, iyo haddii ay taageero ka codsadeen ciidamada Itoobiya.

Beesha caalamka,ayaa Dowladnimada Somaliya qayb ka ah wxaaana lagu tilmaamaa in ay tahay Dowladnimada Somaliya Konton oo Kontonka kale ay beesha caalamku gacanta ku hayso.

Sidoo kale warka kasoo baxay beesha caaalamka,ayaa u muuqda mid ku yimdi kadib markii ay fashilmeen wada xaajoodyo hoose oo socday.

Ilaa iyo hada deeq bixiyayaasha caaalamka,ayaa ilaa iyo hada ku dhawaaqay in ay joojiyeen dhaqaalihii ay siin jireen Booliska Koonfur-Galbeed.

Hadaba go’aanka ay Dowlada Fadaraalka Somaliya ay qaadatay waxa uu dhalin karo oo caqabad ah,ayay BBC-du wax ka waydiisay khabiir ka faalooda arimaha amaanka,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka