Hot Topics

Sidee ugu haboonayd ee lagu eryi karay wakiilka xoghayaha guud?

Dowladda Soomaaliya diblumaasi ahaan xaq bay u leedahay in ay erido safiirada dalkeeda ku sugan, balse waxay aheyd in ay waddo diblumaasiyadeed u marto tallaabada ay ku eriday wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey.


Waxay ahayd in marka hore lala xiriiro madaxda Qaramada Midoobey iyadoo la ilaalinayo cilaaqaadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey.


Masuulkan waxaa soo dirsaday xoghayihii guud ee Qaramada Midoobey waxay aheyd in isaga lala xiriiro oo jid diblumaasiyadeed la isticmaalo oo loo sheego in safirkii u fadhiyay soomaaliya uu xadgudub sameeyay, oo ay dowladda u dirto caddeynta kana codsato in uu dib ula soo noqdo safiirkiisa inta ay dowladdu toos u eryi laheyd.