Hot Topics

Maxaad ka taqaan Taariikh Nololeedka Madaxweyne Deni?

Barlamaanka Puntland ayaa madaxweynaha maamulkaasi u doortay Saciid Cabdullaahi Dani oo ku dhashay magaalada Muqdisho sanandkii 1966-dii. Madaxweyne Siciid Dani ayaa waxbarashada dugsiga dhexe iyo kan sare ku qaatay isla magaalada Muqdisho.

Wuxuu sidoo kale ka baxay jaamacadda ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuliyaddii luuqadaha. Wuxuu sidoo kale takhasuuskiisa kusoo qaatay dalka Malaysia, kahor inta uusan ku biirin siyaasadda.

Saciid Dani ayaa Soomaaliya ka soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid tahay wasiirka qorsheynta ee dowladdii Xassan sheikh iyo xildhibaan dowladda federaalka sannadkii 2012-kii, waxaana siyaasad ahaan la sheegaa in uu aad ugu dhawaa dowladdii Xassan Sheekh Maxamuud.

Saciid Dani oo aan Soomaaliya ka bixin ayaa waxaa uu deegaanada Puntland ka hirgeliyay shirkado ganacasi, waxaana siyaasadda uu kusoo biiray sannadkii 2002.

Saciid Cabdullaahi Dani oo kamid ahaa musharixiintii u tartamayay xilka madaxweynaha ee Soomaaliya sannadkii 2016-kii ayaa isaga iyo qoyskiisa waxay Soomaaliya ka qaxeen xiliyadii dagaalada sokeeye.