Hot Topics

Sarifka lacagaha suuqayada Puntland oo hoos u dhacay

Labo qodob ayaa loo sababeeyay hoos-udhaca sarifka suuqyadda Puntland.

Midda koowaad ayaa lagu sheegay lacagihii badnaa ee xilliga doorashada soo galay deegaannada Puntland.

Mida labaad ayaa ah wareegtadii madaxweynaha Puntland uu ku hakiyay xisaabadka bangiga dhexe ee Puntland, iyadoo la sheegay inaysan jirin wax lacag ah oo laga saaray xisaabadka dowladda.

Ganacsatada ayaa soo dhaweeyay markiiba hoos-udhaca sarifka dollarka,laakin dhibaatadda ayaa wali ah inaysan waxba iska beddelin qiimaha maceeshadda.