Hot Topics

Video:-Madaxweyne Dani oo ka baaqday caleema saarka Laftagareen una diray wafti heerkiisu hooseeyo

Garoonka diyaaradaha General Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe ayaa waxaa ka dhoofay wafti ballaaran oo ay hogaaminayaan madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabdixakiin Dhooba-daareed.

Waftigaan oo garoonka diyaaradaha warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay inay magaalada Baydhabo kaga qaybgeli doonaan caleemasaarka madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen.

Madaxweyne Dani ayay ahayd in uu ka qaybgalo caleema saarka laftagareen markii hore,balse wuu ka baaqday waxuuna udiray waftigan heerkiisu hooseeyo markii loo eego madaxda kasoo qaybgali doonta.

Halkan ka daawo muuqaalka