Hot Topics

Dib udhac ku yimid ku dhawaaqistii Golaha Wasiirada cusub Ee Puntland

Waxaa dib u dhac ku yimid ku dhawaaqidii Golaha Wasiirada Dowlada Puntland ee cusbaa.


Madaxweyne Dani oo haystay mudo 21-cisho ah oo uu kusoo dhiso Xukuumadiisa,ayay ilo lagu kalsoonaan karo u xaqiijiyeen idil News in uu jiri karo dib u dhac,kaas oo uu kalifay culays Madaxweynaha kaga imaanaya dhinacyo kala duwan.


Kooxda Aaran-jaan ,Urur Diimeedka Alislaax iyo Ganacsato,ayaa qolo walbaa dhankeeda ugu jirtaa dadaal xoog leh sidii ay Wasiirada ugu muhiimsan Xukuumada u heli lahayd.


Dhamaan kooxahan,ayaa ah kuwo qayb kasoo qaatay olalihii uu kusoo baxay Madaxweyne Dani.


Madaxweynaha,ayaa la filayaa in uu Baarlamaanka hor yimaado 28-ka bishan oo ah maalinka ay ku eg tahay mudadii uu dastuur ahaan u haystay in uu kusoo dhiso Xukuumada,waxaana xoguhu sheegayaan in uu wayadiisan doono mudo kordhin loogu sameeyo wakhtiga laga rabo Wasiirada.


Madaxweyne Dani waxuu maalmahan si aad ah ugu mashquulsanaa soo xulida Wasiirada cusub waxaana muuqata in uu ubaahan yahay wakhti dheeri ah si uu uga baraan dago culaysyada saaran.