Hot Topics

Mudaahaaraadyo khasaare dhaliyay oo ka aloosan Zimbabwe

Madaxweyne Mnangagwa waxaa lagu waday inuu ka qeyb galo shirka uu dhaqaalaha ugu raadinayo ZimbabweImage caption.

Madaxweyne Mnangagwa waxaa lagu waday inuu ka qeyb galo shirka uu dhaqaalaha ugu raadinayo Zimbabwe.

Madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa soo gabagabeeyay safar uu ku marayay qaaradda Yurub xilli dalkiisa ay ka taagan yihiin dibadbaxyo rabshada wato.

Wuxuu sheegay in aanan loo dul qaadan doonin qalalaasaha isla markaasna dhaleeceeyay sida ay uga falceliyeen booliska iyo militariga xilliggii ay socdeen dibadbaxyada.

Mnangagwa ayaa sidoo kale sheegay in mudnaanta koowaad ay tahay xal u helidda dhibaatada dhaqaale iyo dib u heshiisiin qaran.

Emmerson Mnangagwa ayaa lagu waday inuu ka qeyb galo shirka arrimaha dhaqaalaha looga hadlayo ee ka furmay magaalada Davos ee dalka Switzerland si uu maalgashi ganacsi ugu raadiyo Zimbabwe.

Dowladda waxay sheegtay in mucaaradka ay sare kaca sicirka shidaalka u adeegsanayaan kicinta rabshado.

Xisbiga mucaaradka ee MDC ayaa ku eedeeyay dowladda inay tacaddiyo u geysaneyso taageerayaasha mucaaradka.

Madaxweyne Mnangagwa ayaa toddobaad ka hor ku dhawaaqay in qiimaha shidaalka sare loo qaadayo arrintaas oo horseeday dibadbaxyo rabshado wata, meelaha sida weyn dhibaatada uga dhacday waxaa kamid ah magaalada caasimadda ah ee Harare iyo Bulawayo.

Dadka u doodo xuquuqul insaanka ayaa sheegay in ugu yaraan 12 qof lagu dilay rabshadaha balse si rasmi ah looma xaqiijin dhimashada.

Mnangagwa ayaa xalay kusoo laabtay magaalada caasimadda ah ee Harare.

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka,Nelson Chamisa wuxuu sheegay in xubno badan oo ka tirsan xisbigiisa la xiray oo ay kamid yihiin afar xildhibaan.