Hot Topics

Muuqaal:-Waare oo walaac ka muujiyay bixitaanka Ciidamada Burundi Ee Hir-shabelle

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan gaar ah waxaa uu la qaatay  Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira.

Labada masuul ayaa waxaa ay ka wada hadleen fulinta qorshaha dhimista Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya,iyada oo 28ka Bishan la qorsheeyay in 1,000 Askari oo ka mid ah Ciidanka Burundi ka baxaan Soomaaliya.  

Ugu horeyn Madaxweynaha Hrshabelle uu kulan ka hadlay ayaa waxaa uu walaac ka muujiyay ka bixinta ciidamada AMISOM gaar ahaan deegaanada Hirshabelle.

Madaxweyne Waare ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in ciidamada AMISOM  laga saaro  degaannada Hirshabeelle uu yahay mid xanuun badan ka hayo Maamulkaasi,  islamarkaana waxaa uu sheegay in xiligiisa aan la gaarin.

Sidoo kale waxaa isna kulanka kadib hadlay Francisco Madeira  Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya waxaa uuna sheegay in isaga uu aad ugu xun yahay go’aanka lagu saarayo Ciidanka Burundi, balse waxaa uu xusay in taasi ay tahay mid ku qeexan qorshaha bixitaanka Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya.

Sanadkan ayaa la filayaa in qaar ka mid ah Ciidamada AMISOM ay ka baxaan Soomaaliya,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka