Hot Topics

Ra’iisulwasaare Kheyre oo ku wajahan Kismaayo & Wada hadallo u socda DF Iyo Jubbaland.

KISMAAYO (IDIL NEWS)-Warar lagu kalsoon yahay oo ay helayo Shabakadda Idil News, ayaa Sheegaya in magaalada kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowladda Jubbaland uu ku wajahan yahay Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisulwasaare kheyre ayaa kismaayo u tagaya si uu u saxiixo Heshiis u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedka Jubbaland, kaas oo gogal dhig u ah isku soo dhawaanshe ay gaaraan labada dhinac kahor Shirka Bisha soo socota loo balansan yahay in uu ka dhaco Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

Kulamo hordhac ah oo u dhaxeeya Jubbaland iyo wafti ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay tagay Kismaayo, ayaa ka socda Magaaladaas, Iyadoona looga hadlayo sidii xal looga gaari lahaa Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowlad gobaleedka Jubbaland.

Wararka ayaa Sheegaya in Ra’iisulwasaare kheyre uu tagayo magaalada Kismaayo 23-da bishan oo ku beegan Maalinimada Sabtida ah, waxaana Madaxtooyadda Jubbaland ka socota qaban qaabada soo dhaweynta Ra’iisulwasaaraha.

Jubbaland ayaa dooneysa in Dowladda Federaalka ay faraha kala baxdo arrimaha Degaanada Jubbaland, gaar ahaan Doorashada Madaxweynaha oo la filayo inay bilaha soo socda ka qabsoomto Kismaayo, Iyadoo laga maarmayo cid ka socota Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa loo arkaa Hoggaamiye si weyn uga soo hor jeeda Hab-dhaqanka Madaxda Dowladda dhexe, isagoona marar badan si kulul u dhaliilay, kuna eedeeyay inay olale ugu jiraan Doorashada 2021-da.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada, ayaa u balansan 20 bisha soo socota, inay isigu yimaadaan Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, six al rasmi ah looga gaaro Khilaafka labada dhinac oo muddo soo jiitamayay.

IDIL NEWS