Hot Topics

Al-Shabaab Iyo Daacish oo ku dagaalamaya dhulka buuraleyda ah ee Gobalka Bari.

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, ayaa Saacadihii lasoo dhaafay ku dagaalamay qeybo kamid ah Buuraleyda Gobalka Bari ee Degaanada Dowladda Puntland.

Dagaal xooggan oo shalay dhex-maray Al-Shabaab iyo Daacish, ayaa ka dhacay Degaanka Afgaraar oo dhaca Duleedka Magaalada Boosaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland.

Dadka Degaanka ayaa warbaahinta u sheegay inay maqlayeen dhawaqa Rasaasta ay is-weydaarsanayeen Maleeshiyaadka Argagixisada ah, ayna taas ku abuurtay cabsi.

Degaanka ay ku dagaalamayaan argagixisadu ayaa ah dhul buuraleyda ah oo ay ku joogaan Dhuumaaleysi, waxaana qiyaastii Magaalada Boosaaso u jiraan 80-KM.

Ma jirto illaa hada cid si rasmi ah u sheegi karta Khasaaraha ka dhashay Dagaalka dhex-maray Al-Shabaab iyo Daacish, kaas oo ahaa mid culus.

IDIL NEWS