Mid kamid ah Xabsiyadda ugu waa weyn Africa oo Muqdisho laga furayo.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxda ugu sareysa dalka ayaa lagu waddaa in ay maanta ka qeyb galaan Munaasabad lagu furaayo mid ka mid ah Xabsiyadda ugu weyn Qaaradda Afrika, kaasoo laga dhisay Magaalada Muqdisho.

Xabsiggaan ayaa laga dhisay  Xarunta taliska ciidanka Asluubta Ex Kontorool Afgooye, halkaas uu ka socday dhismaha dib u dayactirka Xaruunta tan iyo Sanadkii 2016-ka, xilliggaan oo uu dhagax dhigay Ra’iisul Wasaarihii xilligaasi Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Xabsiggaan ayaa loo dhisay si casri , waxaana loogu tala galay in looga baxo Cariigii ka jiray Xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Furitaanka Xabsiggaan ayaa lagu soo beegay dabaal-degaya sanadguurada 49-aad ee ka soo wareegatay aas-aaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyadoona munaasabad lagu weynayo maalintaasi qaban-qaabadeedu ka socoto magaalada Muqdisho.

Munaasabad si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay kana dhaceysa xarunta Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo saraakiil ciidan.

IDIL NEWS