Hot Topics

Madaxweyne Deni oo Tababar u soo xiraya Cutubyo kamid ah Ciidamada DPL.

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa maanta Tababar u soo xiraya cutubyo kamid ah Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland, kuwaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay uu tababar u socday.

Madaxweyne Deni ayaa cutubyadan kamidka ah Ciidamada Puntland, ugu soo xiraya Tababarka Xereda 54-aad ee Ciidamada Daraawiish-ta Puntland, waxaana la filayaa in sidoo kale madaxweynuhu uu kormeero qeybaha ay xaruntu ka kooban tahay.

 Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa la filayaa in uu halkaas Ciidamada uga jeediyo Khudbad dhinacyo badan taabanaysa, gaar ahaan Difaaca Dowladda Puntland iyo Dagaalka lagula jiro Argagixisada ku dhuumaaleysanayna Buuraleyda Gobalada Bari iyo Sanaag.

Wixii kasoo kordha filo Goor-dhow

IDIL NEWS