Hot Topics

Barre iyo Barliin oo ballantii jooga qeybtii 6-aad.WQ.CabdiNuur Faarax

Barre iyo Barliin oo ballantii joga qeybtii lixaad:

Barre Toosha ayuu ku Ifiyey Ardaaga wuxuuna durba Ishka,ku dhuftay Qof jiifa Ardaaga wuxuuna soo kada loobsaday dhanka Madaxa Qofka meesha Hurda maadaama ay Habeeyn tahay uuna- aad iska ilaalinayo sharqanta wuxuu si tartiiba wajiga uga qaaday Maradii Baarliin oo iska dhigaaysa Qof Hurda ayaa yara jimcisatay waxayna tiri war waayo?,iyadoo sii raacisay maxaa kaaga lumay halkan?” waa hadal duur xul ah-e..

Barre wuxuu ku jawaabay waa Anigee ma Nabad baa, Baarliin oo Adigu maxaad ahayd? yara wey iska Hubinaysa Ninku inuu Barre yahay iyo inuu nin kale yahay Barre Isagoo hoos u hadlaya ayuu ku jawaabay, Gabari waa sugto Wiilka waa socda saamahana Rabbaa, kulmiyee Aniguna waa barroo Haasaawe doone cidu nabad ma tahay?,Baarliin intay yaraha hoos u dhoola caddeysay oo dareentay Ninku inuu Barre yahay ayey tiri Ballanteennii miyaa lagaaray? wey ogtahay in ballantii hada tahay waase hadal duur xul ah, Barre ayaa ku jawaabay (Maahmaah)wuxuuna yiri Baarliin Akhaayri Ballan kuma kala kala lunto Reerku Nabad ma yahay, ballo ma ogin ayey tiri.

Baarliin wey fariisatay si tariibta oo xushmad iyo is Aruursanaani ku dheehen tahay ayey u fariisatay laakiinse weli Barre wuu kadallooba wuxuuna sugaya qaabilaadda Baarliin.


Baarliin inatay yara dhankaan Midigta u jeensatay gacanta la laacday Raarkii Haasaawaha oo kala bixisay ayey Barre si hoose ugu sheegtay inuu soo fariisto, Barrena wuu kusoo fariistay intuu Kabihii Sookalka ahaa, ee suunka dambe lahaa iska bixiyey Tooray seddex geesa oo u xirneydna dhinaca u janjeeriyey ayuu si miisaan leh ugu fariistay qeybta hore ee Gogolka ama raarkii,wuuna garwaaxaystay garwaaxsaday}, Baarliina Raarkii ayey dhinaca kale uga fariisatay.

Wey billaabatay Sheekadii si aad moodo weerar iyo difaac Hannaan Haasaawe oo qur xoon ayey ku ballaabatay,wuxuu Ku bilaabaty Barre! waxan soo gudoo God abbeeso soo goyoo Gurigiinna soo gooboo guulahay Gurigina i keenyee Haasaawo ma gurfaynaa?.


Maxay ku jawaabtay Baarliin maxase xiga qeybta lixaad.