Hot Topics

Maxay tahay Ujeedada Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Masar ?

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa u ambabaxay dalka Masar, iyadoo safarkiisa ku soo aaday, maalmo kaddib markii uu ka soo laabtay dalalka Burundi iyo Jabuuti.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ee u ambabaxay dalka Masar ayaa ka qeyb galaya shir Madaxeedka Afrika iyo Yurub, kaasoo ka dhacaya magaalada Sharmal Sheikh.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu la kulmo Madaxweynaha Masar C/fataax Al Sisi oo xilligan ah Guddoomiyaha Midowga Afrika, iyagoo ka wada hadli doona arrimo kala duwan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu dhiggiisa Masar kala hadli doono Xiisada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

Masar ayaa ka mid ah dalalka saaxibada la ah Soomaaliya, waxaa horay uga qeyb qaadato dadaalo Diblomaasiyadeed ee ay waday oo ay ka mid aheyd xalinta xiisadda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, inkastoo aanay guuleysan.

IDIL NEWS