Hot Topics

Madaxweyne Deni oo iska diiday dalab uga yimid Qoyska Senator Faroole (Xog)

GAROOWE (IDI NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa iska diiday codsi iyo cadaadis uga imaanayay Qoyska Madaxweynihii Hore ee Puntland C/rixmaan Faroole, kaasoo ku aadanaa in uu u magacaabo Maxamed Cabdiraxmaan Faroole Agaasimaha Ciidamada Badda Puntland ee PMPF, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah.

Madaxweyne Deni ,ayaa u sheegay Qoyska Senator Faroole in uusan booskaas siin karin, isla markaana uusan ku xadgudbi karin masuulka hada haya xilkaas oo aan wax danbi ah galin.

Ilo-wareedyada ayaa intaas ku daraya, in Madaxweynuhu uu Maxamed Cabdiraxmaan Faroole u soo jeediyay in uu u magacaabo la taliyihiisa dhanka ammaanka, kaasoo bishii qaadan doona dhaqaale gaaraya 2000 oo dollar, balse Maxamed Faroole ayaa dood dheer kaddib ay aqbalay soo jeedinta Madaxweyne Deni, Isagoona dalbaday in mushaarka loo kordhiyo, waxaana Dr. Deni uu uga dhigay 2500 oo Dollar.

Ciidamada Badda Dowladda Puntland ee (PMPF), oo ah awooda labaad ee Ciidan ay Puntland lee dahay, ayaa hogaamintoodu waxay tahay mid kamid ah hogaamada ugu awooda badan uguna dhaqaalaha wanaagsan, maadama Ciidamadani ay si toos ah u taageerto Dowladda Imaaraadka Carabta.

Ciidamadan ayaa hada waxaa Agaasime ka ah Adm. Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan, oo ah shaqsi ku filnaaday hogaamintooda ayna ku faraxsan yihiin Ciidanka iyo Dowladda ka taageerta Puntland qalabaynta iyo tababarida Ciidankaas.

Qoyska Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, ayaa loo arkaa Qoys galaangal weyn ku leh Siyaasadda Puntland, waxaana si weyn loo hadal hayay inay qeyb ka ahaayeen soo bixitaankii Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, taas oo la filayay Madaxweynuhu in uu kusoo muujin doono Awwoodaha Saree e Hoggaanka Puntland.

IDIL NEWS