Hot Topics

Maxay tahay Ujeedada Safarka Boqor Burhaan Ku tagay Muqdisho ?

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Boqor Burhaan Boqor Muuse, ayaa wadda abaabul xooggan oo Ku aadan qabashada Shirweyne dib u heshiisiin ah, kaas oo loo qabanayo Bulshada Soomaaliyeed ayna ka qeyb galayaan Isimada dhaqan Dhulka Soomaalida.

Boqor Burhaan ayaa haatan Ku sugan Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaas oo Boqorku uu tagaya qaban qaabada Shirkan, Isagoona Muqdisho ka wadda kulamo uu la lee yahay Isimada waa weyn ee ku dhaqan Muqdisho.

Shirweynahan oo ah mid balaaran kana dhacay xarunta dhaqanka Soomaalida ee Qardho, ayaa la filayaa in uu qabsoomo Dabayaaqada Sanadkan, iyadoona wararku ay sheegayaan in shirweynahani la qorsheynayo in uu dhaco bisha Tobnaad ee sanadkan.

Boqor Burhaan Boqor Muuse, oo ah kamid ah Isimada waa weyn ee Soomaalida ayaa sanadihii ugu dambeeyay dadaal ugu jiray Dib u heshiisiinta Bulshada Soomaaliyeed, Isagoona dhowaan nabad dhex dhigay Beelo walaalo ah oo colaadi ka dhaxeysay, kuwaas oo wadda dega Gobalka Sool.

IDIL NEWS