Hot Topics

Duqeymo culus oo ka dhacay Degaano kamid ah Gobalka Hiiraan.

BELEDWEYNE (IDIL NEWS)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya diyaarado dagaal oo xalay duqeyn ka geystay xarumo Kooxda Al-Shabaab ay ku lee dahay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in duqeymo ay xalay ka dhaceen deegaanada Oroton, Masara Jibista iyo deegaano kale oo u dhaxeeya Beledweyne iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ee qeybta 27-aad ayaa sheegay in duqeyntii xalay khasaare lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn.

24-kii saac ee la soo dhaafay diyaarado dagaal ayaa duqeeyay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose, iyadoo Mareykanka uu war ka soo saaray duqeyntii habeen hore oo laga fuliyay afar goobood.

Al-Shabaab ayaa sheegay in dad rayid ah ay ku geeriyoodeen duqeyntii ka dhacay Shabeellaha Hoose.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab uu ka fuliyay Koofurta Soomaaliya

IDIL NEWS