Hot Topics

Wada-hadalo u dhexeeya Puntland iyo Somaliland oo ka furmaya Addis Ababa.

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wada-hadalo u dhexeeya Dowladda Puntland iyo Somaliland, ayaa dhowaan ka furmaya Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya, kuwaas oo looga hadlayo Xiisada dhuleed ee u dhexeeya labada dhinac.

Ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Shabakadda Idil News, ayaa Sheegaya in Wafuud ka socota Puntland iyo Somaliland, ay maalmaha soo socda tagi doonaan Addis ababa.

 Wada-hadalada labada dhinac oo ay garwadeen ka tahay Dowladda Itoobiya, ayaa dhinacyadu ku gaari doonaan is afgarad ku aadan Colaada Puntland iyo Somaliland ee Gobalka Sool ee soo taagneyd muddo ka badan 10 sanno.

Wararka ayaa sheegaya in Wada-hadaladan ay dabada ka riixayaan Qaramadda Midoobay, Midowga Yurub iyo Mareykanka, kuwaas oo horey uga codsaday dhinacyada in ay isigu yimaadaan Miiska wada-hadalka, si loo soo afjaro Colaada.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in la qorsheynayo in Somaliland dib ay ugu laabato Degaanka Gambadha, halka Puntland dib u tagi doonto Degaanka Tukoraq, si loo qaboojiyo Xiisada Dagaal ee weli ka jirta Gobalka Sool.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Mareykanka ay wadaan Qorshe maamul gaar ah loogu sameynayo Dhulka lagu muransan yahay, si looga baaqsado Dagaal ka dhaca Degaanadaas.

Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland iyo kuwa Somaliland, ayaa Sanadkii tagay ku dagaalamay Gobalka Sool, kaddib markii Maamulka Somaliland uu duulaan ku qabsaday Degaanka Tukoraq, Iyadoona Dagaalkaas ay ku dhinteen dad ka badan 250 Ruux, halka kumanaan qofna ay ku barakaceen.

IDIL NEWS