Hot Topics

35 Dagaalame oo Al-Shabaab ah oo lagu dilay Duqeyn ka dhacday Gobalka Hiiraan.

BELEDWEYNE (IDIL NEWS)-Ciidamadda Mareykanka ayaa dilay qiyaastii 35 dagaalame oo ka tirsan Al Shabaab, kaddib weeraro duqeymo ah oo ay dhawaan ka fuliyeen gobolka Hiiraan ee bartamaha Somalia, sida lagu daabacay qoraal uu soo saaray taliska Mareykanka ee Africom.

Mareykanka ayaa duqeytaan ka fuliyey qiyaastii meel 23 mile dhanka bari kaga beegan magaalada Beledweyne, waxa ayna dhacday axaddii lasoo dhaafay sida lagu sheegay qoraalka Africom.

Duqeynta waxaa lala bartilmaameedsaday dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab oo ku safrayey dhulka baadiyaha ah, waxaana looga dilay 35 dagaalyahan.

Weerarkan duqeynta ah ayaa imaanaya bil kadib weerar uu Marekanku dilay 24 dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabab islamarkaana ka dhacay deegaanka Shabeel oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Sida lagu sheegay qoraalka Africom weerarkan waxa uu qeyb ka yahay dadaallada lagu ciribtirayo Al Shabaab sidoo kalena waxa uu taageero u yahay ciidamada qaranka Somalia.

Taliska Africom ayaa aaminsan in weerarkan aysan qof shacab ah waxyeello kasoo gaarin waxa ayna qoraalkooda ku yiraahdeen “Ma jiro qof shacab ah oo ay dhibaato kasoo gaartay duqeyntan”.

IDIL NEWS