Hot Topics

Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Dalka Qatar, kaddib Safarkii uu shalay uga soo laabtay Masar.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa saaka ku wajahan magaalada Doxa ee Dalka Qatar, taasoo qeyb ka ah booqashada taxanaha ah ee uu ku tagayay dalka yar ee Khaliijka.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu martiqaad ka helay Amiirka Qatar Hamad bin Khalifa Al Thani, waxaana maalinta berri oo Arbaco ah ku kulmayaan qasriga Diiwaan.

Wakaalada Wararka ee Qatar ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qatar ay ka wada hadli doonaan xoojinta Xiriirka Labada dal iyo iskaashiga ka dhaxeeya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uga sii horeeyay Doxa Agaasime kuxigeenka NISA Fahad Yaasiin, waxaana loo arkaa Mr Yaasiin isku xiraha dowladda Soomaaliya iyo Qatar.

Qatar ayaa ah taageeraha ugu weyn ee xilligan dowladda Madaxweyne Farmaajo, waxaa horay u balan-qaaday mashaariicyo, iyadoo taageero dhaqaale u fidisay.

Safarada Madaxweynaha ayaa kordhay labadii sano ee uu xilka hayay, iyadoo todobaad gudihiisa uu galay illaa saddex safar, iyadoo la xusuusto in Madaxdii ka horeysay uu ku dhaliili jiray safarada badan, waxaana safaradiisu ay kusoo aadayaan iyadoo labo sanno kaddib ay dowladda Soomaaliya wajaheyso culeys diblomaasiyadeed oo dhinaca arrimaha dibadda iyo arrimo dhaqaale.

IDIL NEWS