Puntland oo Dalkooda dib ugu celisay Boqalaal Itoobiyaan ah (Daawo)

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Ciidamada ammaanka Dowladda Puntland, ayaa weli Howlgallo culus ka wadda Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland, Iyagoona Ciidamadu cagta mariyay dhamaan Goobihii looga shakisanaa inay Gabaadka u ahaayeen Kooxaha falalka ammaan darro ka geysta Boosaaso.

Goobaha Ciidamadu ay Howlgaladoodii ugu dambeeyay ay ka fuliyeen, waxaa kamid ahaa Xaafada ku dhow Dekedda Boosaaso iyo Goobaha Barakacayaasha, halkaas oo ay ciidamadu kusoo qab-qabteen Dad lagu tuhmayo inay qeyb ka yihiin Falalkii ammaan darro eek a dhacay Boosaaso.

Sidoo kale, Ciidamada amniga Dowladda Puntland ayaa gacanta ku dhigay Tahriibayaal badan oo u dhashay Dalka Itoobiya, kuwaas oo tiradoodu gaarayso Boqolaal.

Dowladda Puntland ayaa Dadka Tahribayaasha ah dib ugu daabashay Xaduudka ay wadaagto Dalka Itoobiya, Iyadoona lagu soo raray Gaadiid Xamuul ah oo Dadkan geeyay Dalkooda.

Shacabka Degaanada Puntland ayaa soo dhaweeyay Talaabada dalkooda loogu celiyay Dadka Oromada ah, Iyagoona ku amaanay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, Go,aanka uu ka qaatay Xaalada amni ee Boosaaso.

Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Puntland Gen. Muxyadiin Axmed Muuse, iyo Ciidamo fara badan oo uu Hoggaaminayo, ayaa Howlgallo aan joogsi laheyn ka wadda Muddooyinkii ugu dambeeyay Boosaaso, kaddib dilkii loo geystay Maareeyihii Dekedda Boosaaso ee Shirkadda DP World, xilligaas oo uu Madaxweynaha Puntland amar ku siiyay  Laamaha ammaanka inay xaqiijiyaan amniga Boosaaso.

Daawo.

IDIL NEWS