Hot Topics

Garoowe: Yaa loo Magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda DPL ?

GAROOWE (IDIL NEWS)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helayno Madaxtooyadda Dowladda Puntland ee Garoowe, ayaa Sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni uu Saacadaha soo socda soo saari doono Liiska Saraakiisha sare ee uu u Magacaabay Madaxtooyadda.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu diyaariyay Magacaabista Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda, Agaasime ku-xigeenka iyo Taliyaha Ciidamada Madaxtooyadda.

Madaxwaynaha Puntland ayaa la sheegay in uu Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada u Magacaabay Maxamed Cabdiladiif oo horay uga soo shaqeeyey Hay’addo Samafal, halka ku-xigeenkiisana uu Magacaabay Cabdiweli Timacade

Sidoo kale,Taliyaha ciidanka Madaxtooyada ayaa isna loo Magacaabay Barkhad Caddilahi Yuusuf

Magacaabista Saraakiisha saree e Madaxtooyadda ayaa imaanaysa xilli Doorashadii Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni laga joogo ku dhowaad labo Bilood.

IDIL NEWS