Hot Topics

Maxay ka wada-hadli doonaan Madaxweyne Biixi iyo Madaxda Imaaraadka ?

DUBAI (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo
Wafdi uu hoggaaminayo, ayaa shalay gelinkii dambe waxa ay gaareen Magalada Abu Dubai ee waddanka isutaga Imaaraadka Carabta,iyada oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta oo Axad ah waxaa uu kulan la qaadan doonaa Madaxda ugu sareysa Imaaraadka Carabta, iyaga oo ka wada hadli doona arrimo ay ka mid yihiin, iskaashiga labada dhinac, Dhaqaalaha, iyo dhismaha Dekadda Berbera oo Saldhig Millateri Imaaraadka uu ka sameysanayo.

Waa markii labaad oo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi uu safar ku tago waddanka Imaaraadka Carabta,waxaana tani ay bilaaw u tahay xiriirka cusub ee u bilaawday Dowladda Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliland oo aaminsan inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

IDIL NEWS