Addis Ababa: 157 Ruux oo lagu la yahay Diyaarad bur-burtay.

ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Diyaarad ay lee dahay Shirkadda Ethiopian Airlins, oo nooceedu ahaa Boeing 737 kana duushay garoonka diyaaradaha Magaalada Addis Ababa ayaa burburtay lix daqiiqo kadib markii ay hawada ku jirtey.

Diyaaradan oo ay saarnaayeen Rakaab gaaraya 149 ruux iyo siddeed shaqaalaha diyaarada ah, kuna sii jeeday Magaalada Nairobi ayaa gabi ahaanba burburtay, Iyadoona Dadkii saarnaa la rumeysan yahay inay dhammaantood geeriyoodeen.

Dadaalo lagu doonayo in lagu helo burburka diyaarada ayaa bilowday balse lama oga in ay jiraan dad ka badbaaday burburka diyaarada.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Re’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha, oo ku hadlaya magaca Xukuumadda iyo dadka Itoobiyaanka ah, waxaan u muujiyaan tacsi tiiraanyo leh Qoysaskii Dadkooda ku waayay duulimaadkii saaka”

IDIL NEWS