Faallo:-Booqashada Geeska Africa Ee Madaxweynaha Faransiiska(Daawo)

Madaxweynaha Faransiiska ee Geeska Afrika. Emmanuel Macron wuxuu booqday Jabuti, Itoobiya iyo Kenya. Inkastoo Faransiisku saldhig Milateri ku leeyahay Jabuuti, haddana in muddo ah Madaxweyne Faransiis ah Jabuuti booqasho kuma imaan.

Dhinaca kale waana markii koowaad ee uu Madaxweyne Faransiis ah Kenya booqdo. Macron wuxuu Itoobiya la saxiixday heshiis “difaaca wadajirka ah ee labada dal.

Heshiisku wuxuu diirada saarayaa tababarka iyo qalabaynta Ciidamada Itoobiya iyo la dagaalanka argagixisada, laakiin waxaa ugub ku ah in Faransiisku uu Itoobiya ka caawinayo dhismaha Ciidanka Badda, labada dalna iska kaashadaan la dagalaanka burcad badeeda Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

Ka sokow in Faransiisku uu doonayo in uu kaalintiisa Geeska Afrika xajisto, haddana kulamada Marcon iyo khudbooyinkiisaba kama marnayn xadaynta saamaynta sii kordhaysa ee ay Shiinuhu ku leeyihiin Geeska Afrika.

Loolanka shiinuhu wuxuu macno u yeelay, islmarkaana sare uu qaaday ahmiyada istiraatiijiyadeed ee Geeska Afrika u leeyahay dunida gaar ahaan awoodaha tunka xooggan iyo xulafadooda Gobolka iyo Gacanka Khaliijka,hoos ka daawo muuqaalka

Halkan hoose ka daawo muuqaalka