Hot Topics

Yubbe: Shacabka oo bilaabay Banaan-baxyo ka dhan ah Somaliland (Daawo)

YUBBE (IDIL NEWS)-Shacabka Degmada Yube Ee Gobolka Sanaag ayaa bilaabay Banaan-baxyo ka dhan Maamulka Somaliland oo Ciidamadiisu ay la wareegeen Degaankaas iyo degaano kale oo kamid ah Gobalka Sanaag.

Shacabka ayaa sheegay in Maamulka Somaliland uu doonayo dal iyo Dad uusan xukumin, Iyagoona tilmaamay in aysan aqbali Karin dulaanka qaawan ee ay Ciidamadiisu kusoo qaadeen.

Shacabka Degmada Yubbe ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowladda Puntland in uu qaado tilaabo deg deg ah oo uu uga jawaabayo Duulaanka Maamula Somaliland.

Daawo.

IDIL NEWS