Hot Topics

Maxaa dheeriya oo kasoo baxay xogihii burburka diyaaradii Itoobiyan Airlines

Xogta laga helay sanduuqa madoow ee diyaaraddii burburtay ee Ethiopian Airlines ayaa muujinaya in ay jiraan isu ekaansho shilkan iyo kii ka horeeyay ee ka dhacay dalka Indonosia, taas oo ka dhigan in ay diyaaradda Boeing 737 Max 8 ay tahay mid ciladaysan markeedii horeba.

Wasiirka gaadiidka Itoobiya ayaa hadalkan laga soo xigtay, balse waxa ay intaas ku dartay in baaritaano dheeraad ah loo baahan doono.

Itoobiya ayaa sanaadiiqda madmadoow u dirtay dalka Faransiiska, halkaas oo ay ku taalo xarun lagu baari shilalka diyaaradaha oo aad casri u ah.

Wasiirka Dagmawit Moges ayaa sheegtay in warbixinta koowaad ee rasmiga ah ay soo bixi doonto muddo 30 cisho gudahood ah.

Xogta labada diyaaradood laga heley ayaa muujinaysa in si aan caadi ahayd ay diyaaradaha marna cirka u galayeen, marna usoo hoobanayeen.

Agaasimaha guud ee shirkadda Boeing Dennis Muilenburg ayaa xaqiijiyay in ay qeyb ka yihiin baaritaanka socda, gacana ka geysanayaan.

Waxa uu intaas ku daray in shirkadda ay cusboonaysiinayso barnaamijka diyaaradaha lagu shubo, kaas oo loo malaynayo in ay ciladda ka timid.

Jibril Qoobey.