Hot Topics

Goormee lasoo Gaba-gabeynayaa Dhismaha Casriga ah ee Isbitaalka Gaalkacyo ? (Daawo)

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Guddiga Dayactirka iyo Dhismaha Isbitaalka weyn ee Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, ayaa shaaca ka qaaday halka uu marayo dhismaha Isbitaalka oo burbur kasoo gaaray Qaraxyadii mataanaha ahaa ee ka dhacay 2016-kii Gaalkacyo.

Marwo Caasho Geelle oo kamid ah Hoggaanka Guddiga, ayaa sheegtay in uu meel gabo-gabo ah marayo Dhismaha Isbitaalka oo lagu sameyay Dayactir, Sidoo kalena lagu soo kordhiyay qeyb casri ah.

Caasho Geelle, ayaa sheegtay inay lacag ku dhow hal Malyan oo dollar loo qorsheeyay inay ku baxdo Isbitaalka ayna bixiyeen inteedii badneyd oo ay ku deeqeen Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Puntland, iyadoona xustay inay jirto lacag dhan 210,000 oo dollar taas oo uu lee yahay Kambaniga dhisaya Isbitaalka.

Sidoo kale, Marwo Caasho Geelle ayaa sheegtay in Dhismaha Isbitaalka qeybtiisa cusub lasoo gaba-gabeynayo 20-Jun-2019-ka, Iyadoona ugu baaqday Shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha inay ka qeyb-qaataan bixinta dhaqaalaha dhiman ee Isbitaalka.

Isbitaalka weyn ee Gobalka Mudug, ayaa waxaa burbur xoogan kasoo gaaray Qaraxyadii 21-Augost-2016-kii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo lagu weeraray xaruntii Dowladda Hoose ee Degmada iyo Suuqa weyn ee Gaalkacyo.

Daawo.

IDIL NEWS