Hot Topics

Hargeysa: Booliska Somaliland oo xabsiga dhigay Agaasimihii Wasaaradda Warfaafinta

HARGEYSA (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland, ayaa Sheegaya in Ciidamada Boolisku ay xabsiga u taxaabeen Agaasimihii Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cismaan Xuseen Warsame,

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa la sheegay inay saaka waabarigii soo qabteen Mr. Cismaan Xuseen, kaas oo dhowaan isaga tagay Xilkii Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in Xariga Agaasimihii Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cismaan Xuseen, ay amartay Maxkamaddu, Iyadoona xarigiisu uu kusoo aadayo xilli muddooyinkii ugu dambeeyay uu baaris ku waday Hanti-dhowrka Guud ee Somaliland Wasaaradda Warfaafinta.

Wixii Kasoo Kordha kala Soco Idil News

IDIL NEWS