Hot Topics

Wasiirka Maaliyadda Itoobiya oo loo doortay Hoggaamiyaha XDS (Daawo)

JIGJIGA (IDIL NEWS)-Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide ayaa loo doortay Gudoomiyaha Xisbiga Dilmuquraadiga Dowlad Degaanka Soomaalida, Iyadoona ku-xigeenkiisa loo doortay Madaxweynaha Dowlad Degaanka Mustafe Maxamed Cagjar, kaddib doorasho ka dhacday xarunta Xisbiga ee Magaalada Jigjiga.

Doorashadan ayaa dhacday kaddib Maalmo Shirweynaha Xisbigu uu ka socday Magaalada Jigjiga, Iyadoona sidoo kale la dhisay Guddiga Fulinta Xisbiga Dowlad Degaanka Soomaalida.

Xubnaha Gudiga Fulinta ayaa loo doortay Xisbiga SDP.

1. Mudane Ahmed Shide
2. Mudane Mustafa M Omer
3. Mudabe Aadan Farah
4. Mudane Mubashir Dubad
5. Mudane Mohamed Fatah
6.Mudane Abdi-Adil Hassan
7. Mudane Eng Mohamed Shaale
8. Mudane Abdirahman Ahmed Hassan (Hure)
9. Mudane Abdirahmaan Eid Daahir

Hoggaanka dhexe ee xisbiga ayaa isbedel weyn lagu sameeyay, waxaana doorashaddaan goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Daawo.

IDIL NEWS