Hot Topics

Ra’iisulwasaare Kheyre “Dhammaan waan bixinay deymihii lagu lahaa dowladihii hore” (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya labadii sano ee jirtay ee la soo dhaafay ay kordheen dhaqaalaha dalka,isla markaana ay bixisay deymihii lagu lahaa.

Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa tilmaamay in maalintii ay xilka qabteen ilaa maanta aysan jirin cid dowladda Soomaaliya lacago ku leh,hayeeshee uu sheegay inay bixiyeen 100 Milyan oo Dollar oo lagu lahaa dowladda oo isugu jira mushaarka ciidamada iyo qandaraasyo dad la siiyey.

“Maalintii aan nimid ilaa iyo hadda dowladda majirto cid deyn  ku leh,waxaana bixinay 100 Milyan oo dowladihii hore lagu lahaa oo sidii ay tahay aan loo maamulin ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kheyre.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay kasoo baxday dhamaan shuruudiihii ugu waaweynaa iyo in Canshuurta ay ganacsatada Soomaaliyeed bixiyaan ay mareyso meshii ugu wanaagsaneyd.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli todobaadyadii la soo dhaafay oo shalay ay ugu dambeysay ay jireen Ciidamo ka cabanaya mushaar la’aan,kuwaas oo sheegay in mudo 4 Bilood ah aysan qaadan.

Daawo.

IDIL NEWS