Hot Topics

Imaaraadka Carabta oo uga digay Muwaadiniintiisa inay u safraan Dalal ay ku jirto Soomaaliya.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan Soomaaliya, iyadoo ka cabsi qabto weeraro iyo afduub loo geysto dalxiisayaasha u dhashay dalkeeda.

Walaacan cusub ee dhinaca amniga ah ayaan ku koobneyn Soomaaliya oo kaliya, balse waxaa ku jira 10 dal oo kale oo u badan qaarada Afrika, iyadoo dalalka Brazil iyo Ukraine la sheegay in amnigooda hada la isku haleyn karo, taasoo keentay in laga saaro meelaha khatarta uga imaan karta.

Digniintan cusub ee ka soo baxday Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in la gaarsiiyay dhamaan Safaaradaha Imaaraadka Carabta uu ku leeyahay dalalkan, waxaana muwaadiniinta hada dalalkaas ku sugan la faray inay deg deg ula xiriiran safaarada, si hadiiwax dareemaan degdeg gurmad ugu helaan.

Wadamada laga digay in loo safro ayaa kala ah Madagascar, Democratic Republic of the Congo, Yemen, South Sudan, Afghanistan, Somalia, Pakistan, Syria, Nigeria, Iraq iyo Libya, iyadoo madaxda dalalkaas wali arintan aysan ka hadal.

Pakistan oo ku jirta liiska dalalka ay Dowladda Imaaraadka carabta ka digtay in muwaaddiniinteeda ay u safraan ayaa haddana dadka Imaaraadka waxey Visaha Pakistan ku heli karaan Online-ka.

IDIL NEWS