Hot Topics

Hay’adda ICRC oo codsatay in la siidaayo shaqaale looga afduubtay Suuriya.

GENEVA (IDIL NEWS)-Guddiga caalamiga ah ee laanqayrta cas ayaa dalbanaya in la helo warka saddex ka mid ah shaqaaalaheeda oo Suuriya lagu afduubtay 5 sano ka hor.

Bayaan laga soo saaray magaalada Geneva,ayay guddiga ICRC, waxay dalbadeen in si shurud la’aan ah loo siidaayo.

Hay’adda ICRC ayaa dhammaadkii sannadkii hore nolol ku ogayd Louisa Akavi oo ah haweenay kalkaaliso caafimaad ah oo u dhalatay dalka New Zealand, haddana 62 jir noqonaysa.

Qaxootiga ka soo firxaday Suuriya ee tagay xadka Ciraaq ayaa sheegay in ay arkeen iyada oo wali kalkaalisanimo kaga shaqaynaysa magaalo u dhaw wabiga Furaat.

Laanqayrta Cas ayaa sidoo kale ogayd in kooxda isku magacawday Dawladd Islaamka ay shanti sano ee la soo dhaafay ku warwareejin jireen magaalada Raqqa.

Hay’adda laanqayrta cas ee caalamiga ah ayaa rajaynaysa in nolol lagu helo haweenaydan oo kalkaaliso ahaan uga soo shaqaysay Soomaaliya, Afghanistan iyo Bosnia.

Waxa ay haweenaydan sidoo kale horey uga badbaaday weerar lagu qaaday kolonyo ay lahayd hay’ada Laanqayrta Cas oo marayay Chechnya sannadkii 1996-dii.

Labo ruux oo kale oo Suuriyaan ah oo la shaqaynayay oo kala ah darawalkeedi Alaa Rajab iyo Nabil Bakdounes ayaan wax war ah laga helin tan iyo markii la afduubtay.

Hay’adda Laanqayrta Cas ee Caalamiga ah ayaa sheegtay in labadaas nin ay ahaayeen niman carruurtooda iyo xaasaskooda u wanaagsan, ayna intii awoodeeda ah ku dadaalayso in ay hesho iyaga oo badqaba.

IDIL NEWS