Video:-Maxaa kala socotaa Danmark?

Denmark waa mid ka mid ah Wadamada laysku yiraahdo Skandinafiyen ee dhaca Waqooyiga Qaarada Yurub.

Denmark waxay maamushaa Jasiiradaha Griinland iyo Feroe, waxaana la isku yiraahdaa Boqortooyada Denmark.

Wadanka Denmark wuxuu xuduud dhuleed la leeyahay wadanka Jarmalka oo kaliya,waxuuna ka xigaa jihada koonfureed,

Dalka inta badan jihooyinka waxaa uga wareegsan Bado kala duwan,kuwaasoo kala ah:-

B.Badda Jihada Woqooyi,

T.Badda Jihada Galbeed

X.Bada Jihada Bari

Denmark waxay ka koobantahay 406 jasiirado yar yar iyo kuwo waaweyn.

Danmark waxaa la degenaan jiray mudo gaaraysa sida taariikhda lagu sheego 100,000 oo sano,waxaana lagu xusaa taariikhda Calankii ugu horeeyay ee la saaro caalamkoo idil in uu ahaa kan Denmak.

Dadka ku nool Dalkan,ayaa lagu qiyaasaa Dad gaaraya 5.5 Milyan oo Qof oo iskugu jira Qowmiyadaha Danish-ka iyo Soo galootiga.

Bulshada ku nool dalkan intooda badan waa Dad waxbartay oo hadana shaqaysta.

Dastuurka Danish-ka ee Dimuqraadiga ah waxaa la saxiixay 5-June 1849.

Denmark waxay xubin ka tahay Gaashaanbuurta Naato iyo Midowga Yurub.

Dalka Denmark Waxuu leeyahay taariikh soo dhawayneed oo muhaajiriinta ah,waxaana la tilmaamaa in Qaxootigii ugu badnaa usoo galay 1980-kii ilaa 1990-kii.

Waxaa la filayaa Todobaadka danbe in lagu dhawaaqo doorashada guud ee dalka,taasoo markan la sadaalinayo in uu si weyn ugu guulaysan doono Xisbiga Social Dimuqraadiga oo talada dalkaas ka maqnaa sagaalkii sano ee udanbeeyay.

Xisbiga hada talada dalka haya ee Venstra,ayay inta badan bulshada Danish-ku ku farxasanayn hogaamintiisa,waxayna u arkaan in uu ka dhabayn waayay balanqaadyo fara badan oo uu horay usameeyay.

Arimaha ugu waa weyn ee xligan olalaha doorashada lagu galayo,ayaa waxaa lagu xusi karaa:-

1.Daryeelka Dadka hawlgabka ah.

2.Adeega Caafimaadka.

3.Lacagta loo yaqaan A-Kasse ee la qaato marka qofku ay ku dhacdo shaqo la’aanta.

4.Arimaha soo galootiga.

Jibril Qoobey.

Halkan ka daawo muuqaalka