Video:-Xaalka dalka Sudan oo wali cakiran

KHARTUUM (IDILNEWS).Dowladda uu militariga hoggaamiyo ee Suudaan,ayaa digniin u dirtay dadka dibadbaxaya oo ah in ay jidgooyooyinka ka qaadaan waddooyinka caasimadda Khartuum xilli ay dibadbaxyo halkaasi ka dhigayaan.

Militariga waxay shacabka u sheegeen inay baneeyaan waddooyinka si xaaladda amniga magaalada loogu soo celiyo.

Madaxa golaha militariga Suudaan, Janaraal Fattax Cabdiraxmaan Burhaan ayaa sheegay in dhibaatada dibadbaxyada aanan lagu sii jiri karin.

Dibadbaxyaasha ayaa dhankooda ku sugan afaafka hore saldhigga militariga ee Khartuum, waxayna codsanayaan in xukunka lagu wareejiyo dowlad rayid ah.

Axaddii, hoggaamiyeyaasha dadka bannaanbaxa wada waxay sheegeen inay hakiyeen kulan ay la yeelan rabeen militariga si looga wada hadlo helidda dowlad rayid ah.

Waxay ku eedeeyeen in maamulka ay weli ka tirsan yihiin dad horey uga tirsanaa dowladdii u hoggaamin jiray Cumar Al Bashiir.

Militariga waxay sheegeen inay ka go’antahay sidii xukunka ay ugu wareejin lahaayeen dowlad rayid ah isla markaasna waxay ku adkeysteen inay mas’uuliyadooda tahay sugidda xaaladda amniga dalka,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka