Hot Topics

Puntland:-Duqaymo kale oo lala beegsaday Daacish iyo Alshabaab

Bosaso.idil News.Duqeymo dhinaca cirka ah ayaa la soo sheegayaa in ay ka dhaceen deegaanka Cameyra ee degmada Iskushuban ee gobola Bari, halkaasoo la rumeysan yahay inay ku sugnaayeen kooxo katirsan ururda Daacish iyo Al-shabab oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay uu dagaal ku dhex marayey dhulka buuraleyda ah.

Duqeymo dhinaca cirka ah ayaa la soo sheegayaa in ay ka dhaceen deegaanka Cameyra ee degmada Iskushuban ee gobola Bari, halkaasoo la rumeysan yahay inay ku sugnaayeen kooxo katirsan ururda Daacish iyo Al-shabab oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay uu dagaal ku dhex marayey dhulka buuraleyda ah.

Dadka socotada ah ee soo gaaray tuulada Timirshe ee degmada Isku-shuban ayaa sheegay inay salaadii Jimcaha kadib ay maqlayeen ugu yaraan 5 qarax oo xoog weyn oo ka dhacayey deegaanka Ceelka Shidi Cameyra ee u dhow tuuladaas.

Majirto cid xaqiijisay khasaaraha ay duqeymahaasi ka geysteen goobaha lala beegsaday, mana jirto wax war ah oo ilaa iyo hada ay Puntland ka soo saartay duqaymaha ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Bari.

14 bishan April ayay aheyd markii meel u dhow tuulada Xiriiro ee degmada Iskushuban duqeyn cirka ah lagu dilay C/xakiin Dhuqub oo Puntland ay sheegay inuu ka tirsanaa ururka Daacish.

Puntland oo garab ka helaysa Xulafadeeda,ayaa dagaal xoog badan kula jirta kooxaha argagixisada Alshabaab iyo Daacish.

Maalin ka hor safiirka Somaliya ee Maraykanka Yamamoto waxuu sheegay in Puntland ay hogaanka uhayso gulufka dagaal ee ka dhanka ah argagixisada,ayna mudan tahay in lagu bogaadiyo laguna garab istaago.