Hot Topics

Video:-Shirkii Garowe oo furmay qodobo xasaasiyana horyaalaan

Waxaa goor dhoweyd ka bilowday kulamo xasaasi ah oo u dhexeeya madaxda Dowladda Fadaraalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah loogana arrinsanayo xaaladda guud ee dalka iyo sidii ay isugu soo dhowaan lahaayeen hogaamayaasha Somalida.

Shirka waxaa Furay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana qayb ka ahaa, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan.

Shirkani oo ay Martigelisey Dowladda Puntland,ayaa gundhiggiisu yahay wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS.

Ilo lagu kalsoonaan karo,ayaa tibaaxaya in Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka, ay hor dhigeen ajando ay ku midaysan yihiin Madaxda Dowlada Dhexe.

Qodobada ay wataan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,ayaa xogtu sheegaysaa in ay ugu muhiimsan yihiin……

B.In marka hore laga wada xaajoodo khaladaadkii waa weynaa ee horay u dhacay meelna la saaro .

2.In wada xaajoodka khaladaadkii hore kadib loo gudbo ka hadalka amniga iyo Dastuurka.

Madaxda Dowlada Dhexe,ayaa dhankooda ku qanacsanayn ka hadalka khaladaadkii hore waxayna danaynayaan in isla hadaba loo gudbo arimaha amniga iyo Dastuurka.

Isku soo wada duuboo shirka hada,ayuu furmay,waxaana la filayaa in saacadaha soo socda laga helo xogo dheeriya,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka