Video:-Madaxtooyada Puntland oo war kasoo saartay shirka Garowe

Shirka Wada-tashiga Madaxda DFS iyo Madaxda Dowladdaha Xubnaha Ka Ah DFS oo malintii 5-aad Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garowe ka socda.

Madaxda oo gudanaaya waajibaadkooda shaqo ee dastuuriga ah ayaa ka tashanaya sidii looga midhadhalinlahaa wadaxaajoodka 5-tii maalmood ee u dambeeyey Puntland uga socdey. Shirkan wadatashiga ah ayaan la nooc ahayn kuwii hore ee ay yeelanjireen Madaxda Soomaaliyeed, Xukuumadda cusub ee Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa cadayn u ah Wadiiqada ay u jeexday shirkani muhiim ka ah.

Sidoo kale shirkani wada-tashiga ah ayaa lagu waajahayaa sidii aragti midaysan, mawqif midaysan iyo siyaasad midaysan looga yeelanlahaa horumarka Soomaaliya iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka