Video:-Madaxda Dowlada Fadaraalka ah oo Codsaday in mudo kordhin loo ogolaado

Madaxda Somalida ee ku shirsan caasimada bilicda qurxoon ee Puntland,ayaa maalinkii shanaad wali ismari la’a.

Ilaa iyo hada majiraan war murtiyeed si sax ah loogu heshiiyay oo la shaaciyay ama si hoose loo hadal hayo.

Xogo hoose,ayaa sheegaya in madaxda Dowlada Dhexe ,gaar ahaan Ra’isalwasaare Khayre usoo jeediyay madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka dhawr qodob oo u muujinayay in uu tanaasul ku saleeyay,kuwaasoo laga xusi karo…

B.In Dowlada Dhexe ogolaanayso Labada Sano ee Madaxweyne Xaaf.


T.In Dowlada Dhexe dib uga laabanayso sharciyadii ay Golaha Wasiirada meelmariyeen.


J.In dib u eegis lagu sameeyo shirkii London ee ay ka maqnaayeen Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka.


X.In Dastuurka iyo dhismaha Ciidamada Qaran sida wadajir ah loo galo.


Madaxda Dowlada dhexe,ayaa soo jeedintoodaas shuruud uga dhigay in iyagana loo ogolaado laba sano oo ku darsasho ah,maadaama arimahan ay ubaahan yihiin wakhti lagu fuliyo.

Soo jeedintaas kadib madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah,ayaa usheegay in dhamaan qodobadan ay yihiin kuwo Dastuurku u ogolaanayo ee aysan marti uga ahayn madaxda Dowlada Dhexe,isla markaana aysan jiri doonin wax ku darsasho la yiraahdo.


Isku soo wada duuboo waxay ubadan tahay in aysan shirka waxba kasoo bixin,waxa kaliya ee laga filan karo,ayaa ah warmurtiyeed loogu talagalay in shacabka niyada loogu dhiso,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka