Hot Topics

Maxaa ka dhaxeeya go’aanka kenya iyo dhacdadii Seeraar Ee Kismaayo?

Dowlada Kenya waxay amartay in markale lagu baaro diyaaradaha kasoo duula Muqdisho ee kusoo jeeda Nayrobi garoonka diyaaradaha ee Wajeer.

Sirdoonka Kenya,ayaa ka war helay diyaarad kasoo duushay Muqdisho oo uu soo raacay Afhayeenkii hore ee Jubaland Cabdinaasir Seeraar kuna sii jeeday garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee Kismaayo in lala fuulay Hub,sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedo lagu kalsoonaan karo.

Seeraar oo markuu Muqdisho kasoo duulayay horay usoo kaxaystay ilaalo sadex askari ka kooban oo ku hubaysnaa sadex Buskooladood,ayaa markii uu kasoo dagay garoonka Sayid Maxamed Ee Kismaayo diiday in uu maro qaybta baarista,isla markaana dagaal kala hor tagay shaqaalihii garoonka.

Iska hor imaadkaas waxaa ku dhaawacmay sadex askari oo ka mid ahaa ilaaladii Seeraar.

Dowlada kenya oo ka duulaysa dhacdadaas waxay si deg-deg ah usoo saartay amarka sheegaya in diyaaradaha kasoo kaca garoonka Aadan-cade ee Muqdisho lagu hakiyo Wajeer oo Nayrobi ujirta 490-km si loo hubiyo amaankooda.

Talaabadan oo kale waxaa la filayaa in ay qaadaan Dowlado iyo shirkado kale oo duulimaad sida aan xogaha ku helayno.

Dowlada Dhexe ee Somaliya waxay dhacdadan ku tahay wajigabax xoog leh,maadaama Seeraar uu marti u ahaa iyada,isla markaana garoonka uu keenay soona sagootiyay Wasiir Oomaar.

Jubaland war saxaafadeed ay soo saartay waxay ku eedaysay Dowlada Dhexe in ay iyadu ka danbaysay fawdadii ka dhacday garoonka kismaayo maalin ka hor.