Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland oo sii daayay hadal shaki dhaliyay

Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo-daareed oo goordhaweyd dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay in uu ka xun yahay in aanay sidii la rabin shirarkii madaxweynayaashu u qabsoomin, wuxuu intaas ku daray in doorkan golayaasha loo daayo.

“Dalka masiirkiisa waa la wadaagaa, haddii golayaasha fulintu is khilaafeen, doorkayagii ayaa hadhay, waxaan qabaa in aan dalka masiirkiisa dhinac kaliya oo madaxweynayaasha ah loo deyn,xukuumadaha waxaan leeyahay iyadoo aan ceebi jirin isu tanaasula oo danta shacabka u naxa”.

Hadalka Gudoomiyaha,ayaa sii xoojinaya xantii horay ujirtay ee tilmaamaysay in uu jiro xiriir hoose oo udhaxeeya Dhoobo iyo Vila Somaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo safar ku joogay dalka Turkiga,ayaa halkaas ugaaray arimo qoys sida uu sheegay xili hore,balse shaki xoog leh ayay ka qabtay madaxtooyada Garowe.

Xogo hoose oo aan helaynay waxay ishaarayeen in uu jiro mooshin xilka xayuubin ah oo ku wajahan Gudoomiye Dhoobo,kaasoo ay dabada ka riixayso Villa Garowe.