Hot Topics

Shirka Garowe horayba loogama fadhiyin horumar!!WQ.Jibril Qoobey.

Shirkii garowe ka socday mudada ku dhow todobaadka sidii la filayay waxba kama soo bixin.

Qolyo ka tirsan Xukuumada Fadaraalka ah oo iskugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro,ayaa isku dayay in ay fashilka wax huwiyaan oo la soo saaro waxuun lagu sheegayo warmurtiyeed iyagoo udaynaynaya Farmaajo iyo Khayre,balse waxaa iska diiday soo jeedintaas sidaan xogta ku helnay Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraaliga ah.

Shirkan iyo ceebtiisa looma sina,waxaana qaadatay Dowlada Dhexe.

Waxay danaynayeen in ay Xaaf afartiisa sano meesha laga saaro,balse wayu suurtoobi wayday oo Xaaf waa sii adkaystay.

Waxay isku dayeen doorashada Jubaland ee soo socota in ay saamayn ku yeeshaan iyadana waa ku guuldaraysteen oo waxaaba soo afjartay Seeraar-kii ay Xamar ka direen.

Waxay rabeen sharciga shidaalka in ay umeel marsadaan siday rabeen umana socon,Somaliyana wali malahan sharci ay ku midaysan tahay.

Waxay qorshaynayeen ugu yaraan in ay shirka kala soo laabtaan xeer doorasho oo iyaga dani ugu jirto taasina ma suuroobin,Somaliyana wali malaha xeer doorasho oo laysku waafaqsan yahay.

Dhanka kale Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka sida Puntland ,Galmudug iyo Jubaland shirkan waxay kala tageen guul,sababtoo ah waxay muujiyeen hadafkooda kuna adkaysteen.

Jubaland doorashadeeda waxay dhacaysaa xiligii loogu talagalay,iyadoo laga taxadaray faraglinta Villa Somaliya.

Galmudug Afar-sano oo ay sifo sharciya umartay kuna salaysan heshiiskii ay Dowlada fadaraalku markhaatiga ka ahayd ee Ahlusuna ayay haysataa.

Puntland doorashadeedii waxay ugu dhacday si hufan,xiriirkeeda caalamkuna waa sii xoogaysatay oo fursado badan ayay heshay oo Dowlada Villa-Somaliya aysan wax badan uga xirnayn.

Masuuliyada ugu weyn ee faashilka shirkan iyo guud ahaan horumar la’aanta labada sano iyo barka taagan waxay dusha ka fuulaysaa madaxda ugu saraysa dalka ee Farmaajo iyo Khayre.

Isku soo wada duuboo dib u dhaca ugu weyn waxuu yahay mustaqbalkii dalkan awalba dhibka la liicayay oo ragaadkii kusii fogaaday.

Jibril Qoobey.