See loo arkay hadalkii Axmed Madoobe?

Waxaan hada dhagaystay war saxafaaded (Press Conference) uu MW Axmed Madobe dhameeyey. Fashilka ku yimid shirka Garowe waxa MW Axmed Madobe dusha ka saaray madaxda Villa Soomaaliya.

Waxa uu aad ugu canaantay Farmaajo iyo Khayre in ay dumin rabaan nidaamka federaalka (waxbaa ka jira arintaas). Waxa kale uu sheegay in Villa Soomaliya isku daydo in ay dagaal iyo qalalaso ama sabotage ka wado Jubbaland (wax baa ka jira arintaas).

Waxa kale uu dhaliilalay sida foosha xun ay Villa Soomaaliya ula dhaqanto mar kasta oo wada xaajood la iskugu yimaadaa. Waxa uu yidhi, “had iyo jeer waxay yidhaahdaan goa”aan idin masiin karno ee talo,ayaan raadsanaynaa.” Miyaanay iyagga taladu ka go’in? ayuu Axmed Madoobe isweydiiyay.

Axmed Madoobe waxa kale uu si balaadhan uga hadlay axdi qarameedka qabyada ah iyo masiirka Soomaaliland. Waxa uu ku taliyey in dad wax ka yaqaan taariikhda iyo bee’ada deegaanka talo weydiinta laga qayb galiyo.

Sidoo kale, nidaamka federaal ah oo ku aadan wax qaybsiga khayraadka iyo gargaarka aduunku siiyo Soomaaliya,ayuu tibaaxay. Waxa uu aad uga hor yimid wakhti korodhsi lasiiyo Villa Soomaaliya AMA dawlad goboleed.

Waxa kale uu indheergaradka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay talo keenaan si xiligaan adag looga gudbo.

Fashilka Garowe ku yimid iyo hadalada kulul ee Axmed Madobe ka soo yeedhay:

1 Waxay waqcad siyaasadeed ku yihiin Villa Soomaaliya.

  1. Waxay dardar galindoonaan xoogaga federaalka raba.
  2. Hadalada Axmed Modoobe waxay u horseedi karaan laxisaabtan cusub in la la galo Villa Solmaliya.
  3. Waxa ay fursad siyaasadeed (political space) siin karaan codka mucaaridka oo aad loogu cadaadiyey Muqdisho.

Gabogabo ahaan, in xoog siyaasadeed uu dheeli tiraya Villa Soomaaliya la helo (waxaanu haddad ka soo yeedhay Amed Madoobe) kana soo yeedhay Dawlad Goboleedyada iyo weliba mucaarid miisaaman waa arin la soo dhaweeyo.

Is riixa siyaasadeed (political tension) oo nabadaysani waxa u keeni karaa labo camp oo isku dheeli tiran. And that is the beginning of party politics.

Good job Axmed Madobe!

Xigasho:-Faysal Rooble