Hot Topics

Xulifaysi Siyaasadeed ee Itoobiya – xamaanteenu Halkay taalaa?

Waxa maanta magaalada Addis Ababa lagu shaaciyey midowga 7-Xisbi oo la magac baxay “Ethiopia Peoples Citizens for Social Justice.”

Tiro dhan1200 oo xildhibaan oo kakala yimid in ka badan 300 oo degmo ayaa codeeyey – 900 in kabadan ayaa Dr. Burhanu Nega u doortay in uu noqdo gudoomiyaha. Waxaa xisbigan cusub isku diyaarin doonaa doorashooyinka 2020.

Waxaa baratami doona EPRDF vs. Juctice Party. Mabaadii culus,ayaa lagu dagaalamidoonaa.

Hadaba helkey talada Soomaalidu taalaa?

Beryahan waxa loo durbaan tumaayey Qabiil cusub oo layidhaa “Kushitig” people.

Waa xulifaysi la rabo in laga dhex abuuro Oromoda awooda heshay iyo Dawlad Deegaanka cusub ee Soomaalida.

Waxaa dhawaan aan aragnay in Mustafa ka soo xamaan wareejistay Amxaaro iyo ESATV hadeerna gogosha hoos dhigtay Abiye iyo Oromo abkeed.

Ma ku waaridoonaa, waa iyana su’aal xiligeedu taagantahay?

Filinka ah in xulifo la la noqdo kan hooyadaa qaba hore,ayuu inoo soo maray. Waxa la inoo sheegtay qabiil layidhaa “Jaberti.” .

Tigree ayaa inagu yidhi Jaberti,ayaa nahay. 1994-2005, waxa xamaanta aynu hoos dhiganay Tigree xajkeenuna ahaa Maqale. 2005-2018 waa la ina yaabiyey.

Su”aashu waxay tahay sidii Maqale inoo khaa’intay Hawas oo Adama loo baxshay ma inooga rayn?

Ma kolba wiil kor u kaadshi sidii Gaal Guray ayuun baynu durbaan u tumi?

Ma kolbe cid cusb ayaa awrka inagu kacsan?

Markaad dhagaysato doodii uu Mustafa doraad kaga qayb galay Addis Ababa iyo durbaan tumkii Adame ee Ilma Kush, waxaa cad in aynu Oromo xamaanteenii hoos dhiganay.

Illa hada wax khayr ah Adame kamaynan arag aan ka ahayn dab iyo dhagax.

Oromo maxaynu kula heshiinaa?

Maxay inoo haysaa, ilayn waxay rabtaa in aynu la dagaal galno oo khayraadkeena ( Tan DDS iyo Soomaaliyaba) aan la qaybsane? Mar hadaynu nidhii “hadeeto Oromo adaa Marti laguu yahay,” maxay iyada miiska inoo soo saartay? Kuwa dagan buurtii Heebaan taraara haka jawaabeen.

Waxaase weli Soomaali ka dhursugaysaa ONLF iyo dhinaca ay raaci. 30 sano ayaa Tigre inagu Awrkacsaday oo hadana inna gubay. Oromona ma isla intaas oo kale ayey rabtaa?

Waxa jawaabta sua’alahaas iyo kuwo kaleba looga fadhiyaa kooxda buurta Garab Case iyo Madaxda ONLF.