Hot Topics

Dad ku geeriyooday shil ka dhacay waddada isku xirta Garissa iyo Nairobi

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyootay, tobaneeyo kalena wey ku dhaawacmeen shil gaari oo waaberigii hore ee saaakayto oo Isniin ah ka dhacay Tuulladda Tula oo u dhexeysa Degmooyinka Bangal iyo Garissa ee W/bari ee dalkaasi.

Bas ay la socdeen in ka badan 60-qof, kana soo ambabaxay xalay Degmadda Wajeer ayaa la sheegay inuu ku dhacay Gaari Tareel oo waday shixnad shamiinto ah, wuxuuna burbur xooggan ka soo gaaray daaqadaha iyo saqafka sare ee baska.

8 ka mid ah dadka ku geeriyooday shilkaasi waxay la socdeen Baska, halka 3 kalena la socdeen gaariga Tareelka.

Dadka ku dhawaacmay shilkaasi waxaa loo qaaday Isvitaalka Guud ee Garissa iyo Xarumaha kale ee Caafimaadka ee ku yaalla TuulladdaTula oo u dhow Degmadda Bangal.