Madaxwayne Ku-xigeenka Maraykanka oo weeraray Ilhan Cumar

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike pence ayaa sheegay Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Congress-ka iney boos ku lahayn ka sii mid ahaanshaha guddiga joogtada ee arrimaha dibadda aqalka Congress-ka.

Warkan oo aan ka soo xigannay wargeyska Jerusalem Post ayaa sheegay inuu Mr Mike Pence uu hadalkaasi ka sheegay mar uu wareysi la yeeshay Telefishiinka Fox News.

“Mareykanka iyo Israa’il waxaa ka dhaxeeyo iskaashi soo jireen ah, marka cid kasta oo isku dayeyso iney carqaladeyso xiriirka soo jireenka ee labada dhinac ka dhaxeeya boos ugama bannaana inuu ka sii mid ahaado guddiga joogtada ee arrimaha dibadda ee Congres-ka.” ayuu yiri

Ilhaan Cumar ayaa aad loogu cambaareeyay kaddib markii ay 10-ka Fabraayo barteeda Twitter-ka ku qortay ereyo loo arkay Yahuud-Nacayb.

Iyadoo ka jawaabeyso su’aal Twitter-ka lagu weydiiyay oo ahayd cidda maalgelisa siyaasiyiinta taageerta Israa’iil, ayay Ilhaan tiri “AIPAC”, oo ah urur u ololeeyo dalka Israa’iil oo ka dhisan Maraykanka.