Hot Topics

Madaxweyne Muuse Biixi “Cidii khal khal gelineysa dalka waa in gacan bir ah lagu qabto”

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan Afur iyo casho isugu jira xalay u sameeyey culimada waaweyn ee reer Somaliland kuwaas oo isaga kala yimi gobollada iyo degmooyinka Soomaaliland.

Kulankan uu madaxweynuhu u sameeyey culimada waaweyn oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland, islamarkaana ujeeddadiisu ahayd sidii ay culimada  iyo madaxweynuhu isu xog-waraysan lahaayeen, ayaa waxa ka qayb-galay hormuudka culimaa’udiinka reer Somaliland, shir guddoonka golaha wakiillada, hoggaanka xisbiyada UCID iyo KULMIYE iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada, waxana si furan la isugu weydaarsaday waanooyin  talo iyo tusaalooyin la xiriira sidii xukuumadda iyo culimadu u wada-shaqayn lahaayeen.

Xubno kamid ah culimada waaweyn ee reer Somaliland wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed, Sheekh Cabdirisaaq Albaani iyo culimo kale oo kulanka hadallo ka jeedisay, ayaa si weyn u ammaanay wada-shaqaynta iyo isku-xirnaanta u dhaxaysa xukuumadda iyo culimada, waxana ay hoosta ka xarriiqeen in kulamada noocan oo kale ahi ay xoojinayaan isku-duubnida iyo wada-tashiga qaybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa isaguna culimada ugu baaqay inay xukuumadda kala shaqeeyaan kor-u-qaadista wacyiga bulshada, kana qayb-qaataan hirgelinta iyo dhaqangelinta wax kasta oo ay shacabka faa’iido ugu jirto.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo kulanka soo gunaanaday, ayaa, ayaa culimada ka codsaday Inay kala shaqeeyaan adkaynta nabadda, ka hortagga fidnooyinka, islamarkaana uu madaxweyne ahaan diyaar u yahay inuu si dhegaha u raariciyo talooyinka ay iyo wanooyinka ay culimadu soo jeediyaan oo ay ugu horrayso dabbaqidda Diinta Islaamku, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,

“Waxan dhigay halkii ay culimada waaweyni dhigeen, dardaarankiinniina waannu qaadannay oo ay kow ka tahay in Diinta loo gargaaro oo wixii la qabanayo dhinaca Diinta laga bilaabo oo Diinta la taageero oo ay ku xigto in nabadda iyo amniga dalka si wada-jir ah loo ilaaliyo, ciddii khalkhal gelinaysa dalka xilkasta oo ay haysana in gacan bir ah lagu qabto.”