Madaxweyne Deni faahfaahin bay uga fadhiyaan bulshada Puntland?

Madaxweyne Deni oo hogaaminayay maalmihii lasoo dhaafay shir muhiim u ahaa dalka iyo dadka,ayaa bulshada Puntland haatan su’aalo fara badan iska waydiinayaan dhawr arimood oo ay u arkaan in ay masiiri yihiin.

Hadaba su’aalaha inta badan bulshada iswaydiinayso,ayaa waxaa laga xusi karaa:-

1.PL in ay heshiis amni ah la gasho Hirshabelle iyo Koonfur-Galbeed oo Jubbaland iyo Galmudug ka maqan yihiin. Gaar ahaan arrinta Gaalkayo iyo heshiiskii Nabadda ee Galmudug waxay ubaahatay fasiraad Mudane Madaxweyne Deni?.

2.Iskaashiga Hir-shabelle,Koonfur-galbeed aan la galayno fasiraad bay u baahatay iyaduna?

3.Faashilkii shirkii garowe kadib halka loo dhaqaaqayo iyaduna ka hadal bay dayatay?

4.Xiriirkeenii lama taabtaanka ahaa ee Jubaland iyo Galmudug ee su’aalaha layska waydiinayo xog waran buu mudan yahay?

5.Tuhunka soo baxay ee tilmaamaya in uu jiro isku soo dhawaansho adiga iyo Siyaasiyiinta Villa Muqdisho ka hadal bay ubaahan tahay?.

Talada dalka adaa laguu doortay,balse waxaa lagugu leeyahay xog waran shacab iyo talo qaadasho haldoor.


Jawaab bay kaa sugaysaa Puntland?.


Jibril Qoobey